Laanta Taageerada Luuqada ee Isdhexgalka bulshada iyo suuqa Shaqada

Laanta Taageerada Luqadda ee Isdhexgalka suuqa Shaqada waxaad ka heleysaa koorso soconeysa shan toddobaad oo loogu talogalay dadka doonaya inay ku biiraan suuqa shaqada iyo/ama waxbarasho. Ujeedku waa inaad hesho faham ballaaran oo ku saabsan sida suuqa shaqada ee Iswiidhen u shaqeeyo, adigoo ku qaadanaya tabo-bar goob shaqo (praktik) si aad u horumariso luqadaada kahor inta aadan shaqo helin sidookale waxaa ka helaysaa waayo-aragnimo.

Taageerada waxaa lagu bixiyaa luqadaha soo socda:

  • Carabi
  • Dari
  • Soomaali
  • Tigrinya
  • Yukreen

Yaa ka qayb qaadan kara fursadaan?

Si aad uga qayb qaadato taageeradan, waxaa qasab ah inaad degantahay oo aad ka diiwaangashan tahay degmada Stockholms stad.

Casharro hordhac ah ayaa lagu siin doonaa, ka hor tababarka (praktik)

Kahor intaadan bilaabin tababarka (praktik), waxaad qaadan doontaa koorso hordhac ah oo socon doonta shan todobaad. Waxaa imaan doontaa koorsada gelinka dambe maalinkii, marka aad soo dhameyso SFI-ga. Koorsada waxaa dhigi doona tabobare, ama lat-aliye ku hadla luqaddaada hooyo. Lataliyaha ayaa sidoo kale ku caawin doona inta lagu jiro tabobarka.

Inta lagu jiro tabobarka, waxaad heli doontaa:

  • Warbixino ku saabsan suuqa shaqada, iyadoo laguugu sharaxaayo luuqadaada hooyo
  • In laguu raadiyo meesha aad xiiseyneyso in aad tabobat ku sameeso ayadoo lagu saleynayo waayo-aragnimadaada hore iyo yoolalkaaga
  • Shahaado ama cadeen (referens) inaad hesho kadib tababarka
  • Erayada iswiidhish ee aad ubaahantahay marka aad goob shaqo joogtid
  • Taageero goobta shaqada inta lagu jiro tababarka
  • La-talin waxbarasho xirfadeed aad ku shaqeesan karto
  • Warbixin kusaabsan haddii aad rabto inaad bilowdo ganacsi

Tabobarka shaqo ee aan bixino waxa uu socon doonaa mudo saddex bilood ah kadib koorsada, iyadoo lagu saleynayo rabitaankaaga iyo yoolalkaaga mustaqbalka. Markaad dhamayso tababarka, waxaad heli doontaa shahaado iyo tixraac (referens).

Sida aad isku diiwaan gelinkarto

Kusoo dir codsigaaga koorsada adiga oo isticmaalaya emaylka hoos ku qoran.

sprakstod@edu.stockholm.se

Naga soo wac telefoonka: 08 508 464 61

Ama soo wac 08 508 357 98

Uppdaterad