Sfi-ga loogu talagalay waalidiinta fasaxa ku ah carruurta wuxuu u furan yahay qofka ku cusub inuu sfi-ga bilaabo iyo qofka doonaya inuu sii wato barashada luqadda inta uu fasaxa waalidnimada ku jirto.
Halkan waxaad ku baranaysaa luqadda iswiidhishka iyada oo ay kula joogaan macallimiin iyo waalidiin kale oo iyaguna fasax ku ah carruurtooda. Dadku dhammaantood waxay soo kaxaysanayaan carruurtooda.
Halkan waxaad ka heleysaa:
- inaad ku hadasho, qorto, akhrido oo aad dhageysato luqadda iswiidhishka
- inaad ku tababarato luqadda iswiidhishka adigoo isticmaalaya iPad, moobil ama kombiyuutar
- inaad ka hadasho dugsiga xanaanada carruurta iyo nolosha fasaxa waalidnimada kadib
- inaad ka hadasho koritaanka iyo caafimaadka carruurta iyo waxa ay tahay in waalid laga noqdo gudaha waddanka Iswiidhan.
Sfi-ga loogu talagalay waalidiinta fasaxa ku ah carruurta wuxuu ka jiraa meelo badan oo ka mid ah Stockholm. Waxaanu annagu joognaa dugsiga xanaanada carruurta ee furan (öppna förskolan). Eeg liiska hoose si aad u doorato goobta iyo waqtiga kugu habboon.
Halkan waxaa ku yaala sfi-ga loogu talagalay waalidiinta fasaxa ku ah carruurta
- Fagersjö
- Husby
- Hägersten
- Hässelby
- Högdalen
- Rinkeby
- Rågsved
- Spånga
- Skärholmen
- Tensta
- Vällingby
Saxiix
Waxaad isku diiwaan gelisaa adigoo buuxinaya foomka.