Waxbarashada dadka waaweyn ee magaalada Stockholm

Waxbarashada dadka waaweyn, ama Komvuxku, waa nooc waxbarasho ah oo loogu talagalay dadka waaweyn ee doonaya inay dhigtaan heerka waxbarashada dugsiga 'hoose-dhexe ama dugsiga sare.

SFI, waa luqadda iswiidhishka ee loogu talagalay dadka ajaanibka ah

Haddii aad u baahan tahay inaad barato luqadda iswiidhishka ee dugsiga hoose-dhexe oo aad tahay 16 sano ama aad ka weyn tahay oo aad ka diiwaangashan tahay magaalada Stockholm, waxaad baran kartaa SFI-ga.

Waxaanu annagu leenahay tiro badan oo dugsiyo ah oo lagu barto luqadda sfi-ga maalintii iyo habeenkii labadaba.

Sfi-ga loogu talagalay waalidiinta fasaxa ku ah carruurta

Sfi-ga loogu talagalay waalidiinta fasaxa ku ah carruurtooda waa koorsooyin luqadda iswiidhishka ah oo lagu qabanayo xarumaha xanaanooyinka carruurta ee furan (öppna förskolor) ee ku yaala meelaha kala duwan oo magaalada ka mid ah, kuwaas oo lagu soo dhaweynayo waalidiinta fasaxa ku ah carruurtooda oo ay weheliyaan carruurtoodu.

Sfi-kombo

Baro luqadda iswiidhishka adigoo isla markaana dhiganaya waxbarashada xirfada ee heerka dugsiga sare.

Sfx

Waxaad codsan kartaa sfi-ga loogu talagalay dadka leh xirfad shaqo haddii aad leedahay waayo-aragnimo shaqo ama waxbarasho xirfadeed oo aad kala timid waddankaagii hooyo.

Samee tababar shaqo adigoo helaya taageero luqaddeed

Waxaanu kaa caawinaynaa inaad hesho tababar goob shaqo oo waxaanu ku siin doonaa taageero ku saabsan luqaddaada hooyo intuu tababarku kuu socdo.

Heerka waxbarashada dugsiga hoose-dhexe ee Komvuxka  

Komvux-ka oo ah dugsiga hoose-dhexe waxaa loogu talagalay dadka aan haysan shahaadada dugsiga hoose-dhexe oo dhamaystiran ama leh waxbarasho gaaban oo uu qofku kala yimid waddan kale. Waxaanu annagu waxbarashada ku siinaynaa laga bilaabo bisha luulyo ee sannadka aad aad buuxiso 20 sano.

Heerka waxbarashada dugsiga sare ee Komvuxka

Waxaad qaadan kartaa shahaadada dugsiga sare, waxaad baran kartaa sannadka waxbarashada  aasaasiga ah ee sayniska, waxaad heli kartaa shahaado kuu oggolaanaysa inaad gasho jaamacad, kulliyad ama waxbarasho xirfadeed (YH). Koorsooyinkani waxay u baahan yihiin inaad soo baratay luqaadda iswiidhishka ee heerka dugsiga hoose-dhexe.

Waxbarasho xirfadeed oo ah heer dugsiga sare

Komvux-ka magaalada Stockholm waxaa ku jira barnaamijyo badan oo waxbarasho xirfadeed ah oo la xiriira xirfado kala duwan. Waxbarashooyinkani waxay u baahan tahay inuu qofku ku soo bartay luqadda iswiidhishka heerka dugsiga hoose-dhexe.

Waxbarasho la waafajiyey baahida

Waxbarashada Komvuxka ee la waafajiyey dadka waaweyn ee qaba naafonimada garaaadka ama maskaxda oo ay ka dhaawacmeen markii ay dhasheen kadib.

Qorshee waxbarashadaada 

Xarunta waxbarashada ee dadka waaweyn (Vuxenutbildningscentrum) waxaa jooga lataliyayaal waxbarasho- iyo kuwa xirfadaha warbarashada kuwaas oo kaa caawin kara inaad:

  • samaysato qorshe waxbarasho oo shaqsi ah oo ku habboon yoolalkaaga
  • dooro waxbarashada kugu habboon adiga
  • qorshayso koorsooyinkaaga si aad u hesho shahaadada dugsiga sare oo dhamaystiran.

Codsiga/arjiga

Waxaad ka codsanaysaa adeeggayaga elektaroonigga ah.

Heerka imtixaanka

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad samayso imtixaan si loo ogaado heerka koorsada aad dooranayso ee luqadda iswiidhishka, luqadda iswiidhishka ee dadka ajbaniga ah (svenska som andraspråk), ingiriiska ama xisaabta.

Dhaqaalaha waxbarashada

Dhammaan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadu waa bilaash. Laakiin inkastoo ay waxbarashadu tahay mid bilaash ah, adiga ayaa iska bixinaya buuggaagta, koobiyeeynta iyo agabka kale ee waxbarashada. Waxa kale oo aad xaq u yeelan kartaa lacag deeq waxbarasho iyo mid amaah ah oo ay ku siiso CSN labadaba.

Uppdaterad